UDIYAARI NAFTAADA GUUR

UDIYAARI NAFTAADA GUUR

Jaceylka dhabta waxa uu ku abuurmaa runta waligiisna waa uu ku dhisnaada. Runtu waxay farxad galisaa qalbiyada banii aadamku, kafakar marka aad lamaano baranaysid dhawrkaan shay ee soosocda.

 Sabab aad u samaynaysaa xidhiidh

.   Guur diyaar ma utahay

Qofkaan ma ku kalsoonaan kartaa

 Dabcigiisu mayahay mid wacan

  Kawaran heerka diintiisu marayso

  Baari ma uyahay ehelka iyo bulshada

Intaas iyo inkaloo badan waa inaad iswaydiisa markaad  rabto inaad ruux lasamayso xidhiidh miro dhal ah oo wanaagsan barina adi kudhaawacayn.

Mawacna dhalinyarada manta siday samaynayaan iyagoon guur diyaar u ahayn ayay raadinaayaan lammaananaal waliba kuwo badan oo la haasaawa.

Yacnii wiilkii iyo gabadhii markay isbaranayaan waxay noloshooda dhabtaa kasheegayaan been sida wiilka inuu yiraahdo lacag intaasan haystaa, familkayga dukaamo ayay leeyihiin, lagayaaba labiskaa quruxda badan ee uu kula kulmay inuu kuyahay tabal (AMAAH). Laakiin markii laba isbuuc sii wada socdaan masii ahaan doono faankii sidiisa. Xidhiidhkiina sidiisa masii ahaan doono oo beenlowgu xataa laftiguusu in been loosheega uma dulqaadan karo, sidaas awgeed qofkaa xidhiidhka lawaday ayaamihii koobna waa uu isbadalayaa oo waxaa uu kadhaadhicinayaa noloshiisa sida uu kaaga dheeraan lahaan lahaa.

TUSAALE AHAAN: Maalin maalmaha kamid ah ayaa yar aan saaxiibo nahany waxay isbarteen gabadh. yarkaas guri ayaan wada daganaan jirnay oo waxaan ahayn saaxiibo aad iskugu dhaw oo kuwalaalooway, waxay taleefon kawada hadlaayeen muddo labo bilood ah, maalinkii danbe waxay kubalameen inay kulmaan ee casho iyo kafey wada cabaan habeenka jimcaha soogalayso.

Sida dabiiciga ah gabadh iyo wiil markay kulmayaan wixii halkaas kharash kukaca waxaa qaba wiilka. Hanoqoto casho ama taxi ama bas raace.                                                                                                                                                      Yarkaan saaxiibkaygaa ma ahan nin shaqaysta oo waa arday dhigta schoolka sare oo waxaa gacanta kuahaya familkiisa, sidaa awgeed guurku waxa uu ubaahanyahay dhaqaale, masruuf iyo meel ladago.                                                      Balse ninkaan saaxiibkay ah talktimekiisa (prepaidkiisa, kuhadalkiisa) ayuu dad waydiistaa ma aha mid diyaar u anoqonaya inuu aroos galo ama guursadu walina waxaa uu kujiraa heerkiisa waxbarasho.

Marka ay soo gaartay waqtigii ay balameen waxa uu iga codsaday saxiibkay inaan udhiibo dharkayga kuwa ugu quruxda badan gaarigayga $50 lacag ah shidaalka gaarigana ugu shubo.                                                                                                       Si uu iskugu xarfaaniyo qoftii ay isbarteen ileen umuu sheegin noloshiisa dhabtaaye iyo sida uu kusuganyahay, halka uu ufaanay kuna yidhi waxaan ahay nin nolol maalmeedkiisu muran galin oo uu ladanyahay.                                   Ani waan yar waaniyay kadibna waa uu igu diiday, kadibna si uuna saaxiibkayga igu qaadin cuqdad ayaan uyeelay dhamman waxa uu iga codsaday dhammaantood.                                                                                                                    Gabadhi waxay wada socdaanba muddo bil kadib ah waxa ay kutiri “Niyahaw inaad iguursataa rabaa meelna idajiso oo reerkayga dhaqdo nin ladana waa tahaye oo shaqaystee”  gabar waliba waliba waa rabtaa nin dhalinyaraa oo dabci wanaagsan shaqaystaana oo aan balwad lahayne. Saaxiibkey waa ula wadaag arintii waxa uuna igu yiri “ nin hadda wax haya maahi xataa reer masruufi kara aroos iyo inaan gabadh doonta warkeeda daaye gabadhana waan jeclahaye”

Anigu waxaan jawaab oga dhigay “niyahw waad garanaysaa soomahan sidaan kala hadalayay iyo haasawaha aan midha dhalka ahayn inuusan fiicnayn wxaad gaartay hadda adoo qofkii ubaahan misna aadan awood ulahayn inaad hesho maa ahaan” kadib ayaanti danbe tabtii ayuu gabdha faraha oga qaaday waxayna kuqaadatay waqti in uu qalbigiisa kasaaro.

Sheekadan waxaan oga danlahayn ayna tusaale utahay dadka haasawaha laboodaya iyagoon nolol maalmeedkoodu hoos joogo waalidiintood, soodiyaari noloshadaa oo kadib guurso haku dagdagin si aadan ula kulmin caqabado maaliyadeed.

  

MY POSTS

VIRAL NEWS Lose Angles

The Latest News from Los Angeles: A massive fire has broken out in Los Angeles, USA, forcing the evacuation of over 30,000 people. The fire ...

MY POSTS