STRESSKA/WALWALKA SABABO JACEYLKA
Nolosha banii aadamku waxay leedahay hadaf, hadafka qofkasta uu inuu gaaro uurabana waa farxad.
sidaa daraadeed jaceylku waa caqabadaha ugu wayn ee lasoo gudboonaada banii adamka qarniyadaan danbe.
Walwalka ama stresska uu abuura banii aadamka waxaa u sababa inuu qofkii uu lammaanaha la ahaa dhexmaro isfahan waa, misna qofkii nolosha kulafahmi waayo, yacnii qofkaas oo kula fahmi waayay daruufta kuahaysata, ama waxaad nolosha hadaf kaleedahay. qofkii waxaad siisay hammi ama attention farabadan micnaheeda dareenkaaga iyo masakaxdaada qofkaasta ku koobtay oo siisay, adigoo barito isleh qofkaan aad jeclaatay waxa uu ahaandoonaa qofkii meel kaaga soobaxaaya ama kuu ahaan doona dugsi, kasso aad isleedahay lajaan qaad.isla markaasad iska dhaadhiciso qodobadaan ayaa waxaa ku bilaabanayo markasta uu khilaaf dhaco dhaawac, walwal iyo walbahaar. hadaba intuusan ku haleelin waxaas kudhaqaaqdaa talaabooyinkaan soosocda si aad oga badbaado.
SIDEE LOOGA HORTAGAA WALWALKA JACEYLKA
- Ha samayn xidhiidh adoon guur diyaar u ahayn.
- Markasta ilaahay waydiiso magan galyo dhankastaa.
- Ha kulumin waqtigaaga inaad qof iska dhaadhiciso
- Ha kulumin waqtigaaga lahadalka iyo waqti siinta qofkaas.
- Ka feejignow qofkaad xidhiidhka laleedahay inaad been usheegto.
- Ha siin kalsooni xad dhaafa hana tusin qiimaha uu kuu joogo qofkaas
- Ha noqon mid urafaada ama noloshiisa rafaad ugaliya qof aad haasawo wadaagtaan si uu qanco.
- Hasaawahaaga yuuna kaajarin dhex galka bulshada iyo wanaajinta dadka kale.
- Akhri quraanka oo joogtee iyo wardi farabadan laazimna masaajidka.
- Samee is dhex gal bulsho
- Kasaar niyadaada rajada ah in ay markale kuusonoqonayso.
- Xoor/tuur dhamman xasuusyaha aad kahayso lammaanahgi kudhaawacay
- Udulqaado waqtiga adag oo iska dhaadhici waqti kastoo adag waqti wacan baa kadnbeeya
- Daryeel naftaada oo hakanaaqusin cuntuuyinka iyo sharaabkii aad cuni jidhay
- Akhri buugaagta cilmiga iyo cilmi nafsigaa.
- Ha ujabin hana uliidin naftaada ruux daruuftaada iyo dareenkaagaba dhayal uhaysta
