UDIYAARI NAFTAADA GUUR
Jaceylka dhabta waxa uu ku abuurmaa runta waligiisna waa uu ku
dhisnaada. Runtu waxay farxad galisaa qalbiyada banii aadamku, kafakar marka
aad lamaano baranaysid dhawrkaan shay ee soosocda.
Sabab aad u samaynaysaa xidhiidh
. Guur diyaar ma utahay
Qofkaan ma ku
kalsoonaan kartaa
Dabcigiisu
mayahay mid wacan
Kawaran heerka
diintiisu marayso
Baari ma uyahay
ehelka iyo bulshada
Intaas iyo inkaloo badan waa inaad iswaydiisa markaad rabto inaad ruux lasamayso xidhiidh miro dhal
ah oo wanaagsan barina adi kudhaawacayn.
Mawacna dhalinyarada manta siday samaynayaan iyagoon guur diyaar u
ahayn ayay raadinaayaan lammaananaal waliba kuwo badan oo la haasaawa.
Yacnii wiilkii iyo gabadhii markay isbaranayaan waxay noloshooda
dhabtaa kasheegayaan been sida wiilka inuu yiraahdo lacag intaasan haystaa,
familkayga dukaamo ayay leeyihiin, lagayaaba labiskaa quruxda badan ee uu kula
kulmay inuu kuyahay tabal (AMAAH). Laakiin markii laba isbuuc sii wada socdaan
masii ahaan doono faankii sidiisa. Xidhiidhkiina sidiisa masii ahaan doono oo
beenlowgu xataa laftiguusu in been loosheega uma dulqaadan karo, sidaas awgeed
qofkaa xidhiidhka lawaday ayaamihii koobna waa uu isbadalayaa oo waxaa uu
kadhaadhicinayaa noloshiisa sida uu kaaga dheeraan lahaan lahaa.
TUSAALE AHAAN: Maalin maalmaha kamid ah ayaa yar aan saaxiibo nahany waxay
isbarteen gabadh. yarkaas guri ayaan wada daganaan jirnay oo waxaan ahayn
saaxiibo aad iskugu dhaw oo kuwalaalooway, waxay taleefon kawada hadlaayeen
muddo labo bilood ah, maalinkii danbe waxay kubalameen inay kulmaan ee casho
iyo kafey wada cabaan habeenka jimcaha soogalayso.
Sida dabiiciga ah gabadh iyo wiil markay kulmayaan wixii halkaas
kharash kukaca waxaa qaba wiilka. Hanoqoto casho ama taxi ama bas raace. Yarkaan
saaxiibkaygaa ma ahan nin shaqaysta oo waa arday dhigta schoolka sare oo waxaa
gacanta kuahaya familkiisa, sidaa awgeed guurku waxa uu ubaahanyahay dhaqaale,
masruuf iyo meel ladago.
Balse ninkaan saaxiibkay ah talktimekiisa (prepaidkiisa, kuhadalkiisa)
ayuu dad waydiistaa ma aha mid diyaar u anoqonaya inuu aroos galo ama guursadu walina waxaa uu kujiraa heerkiisa waxbarasho.
Marka ay soo gaartay waqtigii ay balameen
waxa uu iga codsaday saxiibkay inaan udhiibo dharkayga kuwa ugu quruxda badan
gaarigayga $50 lacag ah shidaalka gaarigana ugu shubo.
Si uu iskugu xarfaaniyo qoftii ay isbarteen ileen umuu sheegin
noloshiisa dhabtaaye iyo sida uu kusuganyahay, halka uu ufaanay kuna yidhi
waxaan ahay nin nolol maalmeedkiisu muran galin oo uu ladanyahay. Ani waan yar
waaniyay kadibna waa uu igu diiday, kadibna si uuna saaxiibkayga igu qaadin
cuqdad ayaan uyeelay dhamman waxa uu iga codsaday dhammaantood.
Gabadhi waxay wada socdaanba muddo bil kadib ah waxa ay kutiri “Niyahaw
inaad iguursataa rabaa meelna idajiso oo reerkayga dhaqdo nin ladana waa tahaye
oo shaqaystee” gabar waliba waliba waa
rabtaa nin dhalinyaraa oo dabci wanaagsan shaqaystaana oo aan balwad lahayne. Saaxiibkey
waa ula wadaag arintii waxa uuna igu yiri “ nin hadda wax haya maahi xataa reer
masruufi kara aroos iyo inaan gabadh doonta warkeeda daaye gabadhana waan
jeclahaye”
Anigu waxaan jawaab oga dhigay “niyahw waad
garanaysaa soomahan sidaan kala hadalayay iyo haasawaha aan midha dhalka ahayn
inuusan fiicnayn wxaad gaartay hadda adoo qofkii ubaahan misna aadan awood
ulahayn inaad hesho maa ahaan” kadib ayaanti danbe tabtii ayuu gabdha faraha
oga qaaday waxayna kuqaadatay waqti in uu qalbigiisa kasaaro.
Sheekadan waxaan oga danlahayn ayna tusaale
utahay dadka haasawaha laboodaya iyagoon nolol maalmeedkoodu hoos joogo
waalidiintood, soodiyaari noloshadaa oo kadib guurso haku dagdagin si aadan ula
kulmin caqabado maaliyadeed.