Faa idad wax akhrinta
Wax akhrint waxay leedahay faa'idooyiin aad ufarabadan. wax akhrisku waxa uu dhisaa garaadka iyo maskaxda banii adamka,
![]() |
| faa'idada wax aqrinta |
wax akhrisku waa almiitada maskaxda, suu jirku ugu baahanyahay almiito ama shaqo ayay wax akhrintu ugu tahay.sdioo kale wax akhrisku waxa uu yareeya stresska walwalka iyo walbahaarka ka abuurma kalinimada ama cidlada oo waxaa uu noqdaa wehel dhamaystiran.
Wax aqrintu waxay kobcinaysaa garaadka iyo aragtida banii aadamka, tusaale ahaan qofka aqristaa bugaagta taariikhiga waxa uu ogaanayaa waxyaabihii lasoo maray qarniyo kahor amaba nolol lagu noolaan jiray boqolaal sano horteeda, kadibna qofkaasi waxa uu noqonayaa amaba lagu tilmaami karaa qof xog ogaal ah misna isagoon joogin boqolaal sano kahor ayuu misna oga sheekaynayaa mid ay isku xili joogaan, waxayna isku dhaafeen wax aqriska.
wax akhrinta badani waxay dhistaa xasuusaha qofka, waxaa lagayaaba inaad tahay ruux akhriya bugaag kala duwan oo badan waxaad joogtaynaysaa inaad xasuusato buug kaste akhriskiisa halka uu kuu marayay amaba mowduuca akhrinaysay ayay maskaxdaadu sifiican uqabanaysaa.
sidoo kale hadaa noqoto akhrista wanaagsan waxaad noqonaysaa qoraa wanaagsan, sidoo kale aqrinta waxay kabaysaa luuqada kolba wax ku aqrinayso, waxaadna kafaa'idaysaa ereyo cusub aadan horay u aqoonin.
waan ogahay bulshadeena soomaalida inay kuyartahay meelo maktabada ah oo wax lagu aqristo waxna lagu baaro, waxaana nahay bulsho aana jecleen aqrinta faraha badan xataa ma aqrino qoraalada dhaadheer oo lasoo dhigo facebookga amaba websiteka.
waxaynu nahay bulsho wahsi badan qofkeeni cilmiga jecelna oo buugagta lakalyaystaana ay dhahaayaan wuu khafiifay amaba cilmaani ayuu noqon rabaa, iyagoo dhibsanaya xataa qofkale inuu noqdo aqriste ama qoraa.
![]() |
| shaqooyinkaad hayso xataa yayna kaa mashquulin aqrinta. |
![]() |
| Aqristaha ma cidloodo |
Waxaa qoray oo waqti galiyay
Amiir haji sanka
https://www.facebook.com/Amiirhajisanka1



