FAA IDADA WAX AKHRISKA

                                  Faa idad wax akhrinta  

Wax akhrint waxay leedahay faa'idooyiin aad ufarabadan. wax akhrisku waxa uu dhisaa garaadka iyo maskaxda banii adamka,

                                                                                                                                                        

faa'idada wax aqrinta


wax akhrisku waa almiitada maskaxda, suu jirku ugu baahanyahay almiito ama shaqo ayay wax akhrintu ugu tahay.sdioo kale wax akhrisku waxa uu yareeya  stresska walwalka iyo walbahaarka       ka abuurma kalinimada ama cidlada oo waxaa uu noqdaa wehel dhamaystiran.

Wax aqrintu waxay kobcinaysaa garaadka iyo aragtida banii aadamka, tusaale ahaan qofka aqristaa bugaagta taariikhiga waxa uu ogaanayaa waxyaabihii lasoo maray qarniyo kahor amaba nolol lagu noolaan jiray boqolaal sano horteeda, kadibna qofkaasi waxa uu noqonayaa amaba lagu tilmaami karaa qof xog ogaal ah misna isagoon joogin boqolaal sano kahor  ayuu misna oga sheekaynayaa mid ay isku xili joogaan, waxayna isku dhaafeen wax aqriska.

wax akhrinta badani waxay dhistaa xasuusaha qofka, waxaa lagayaaba inaad tahay ruux akhriya bugaag kala duwan oo badan waxaad joogtaynaysaa inaad xasuusato buug kaste akhriskiisa halka uu kuu marayay amaba mowduuca akhrinaysay ayay maskaxdaadu sifiican uqabanaysaa.

sidoo kale hadaa noqoto akhrista wanaagsan waxaad noqonaysaa qoraa wanaagsan, sidoo kale aqrinta waxay kabaysaa luuqada kolba wax ku aqrinayso, waxaadna kafaa'idaysaa ereyo cusub aadan horay u aqoonin.

waan ogahay bulshadeena soomaalida inay kuyartahay meelo maktabada ah oo wax lagu aqristo waxna lagu baaro, waxaana nahay bulsho aana jecleen aqrinta faraha badan xataa ma aqrino qoraalada dhaadheer oo lasoo dhigo facebookga amaba websiteka.

waxaynu nahay bulsho wahsi badan qofkeeni cilmiga jecelna oo buugagta lakalyaystaana ay dhahaayaan wuu khafiifay amaba cilmaani ayuu noqon rabaa, iyagoo dhibsanaya xataa qofkale inuu noqdo aqriste ama qoraa.


shaqooyinkaad hayso xataa yayna kaa mashquulin aqrinta.


Aqristaha ma cidloodo






                                        Waxaa qoray oo waqti galiyay

                                                  Amiir haji sanka

                                     https://www.facebook.com/Amiirhajisanka1



No comments:

Post a Comment

MY POSTS

VIRAL NEWS Lose Angles

The Latest News from Los Angeles: A massive fire has broken out in Los Angeles, USA, forcing the evacuation of over 30,000 people. The fire ...

MY POSTS