TAARIIKHDA MADAX WAYNIHII SOOMALIYA XASAN SHEEKH MAXAMUUD

TAARIIKH KOOBAN OO AAN KADIYAARINAY MADAXWAYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD.

                

                                            
                                         Madaxwaynaha soomaliya 2022-2026                                                                      

Madaxwaynihii ugu horeeyay ee soomaliya markale loo doortay Madaxwaynihii 2012-2017 soomaliya u ahaa, Maantana waxa uu xilka madaxwayninimo  ula wareegay sifo sharciyaysan.                                          
                            

                             

Sanadkii 1955-kii ayuu Xasan Sheekh maxamuud ku dhashay degmada Jalalaqsi gobolka Hiiraan, ee dalka Soomaaliya, haddana waa 66 ilaa 67 jir.
Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada uu kasoo jeedo, Dugsiga sare iyo jaamacaddana ku dhigtay magaalada Muqdisho, oo uu u wareegay.

Sanadkii 1981-kii ayuu ka qalan jebiyay kulliyadda tiknoolojiyadda (TECHNOLOGY)  ee Jaamacadda. Kaddib waxa uu heerka sare ee Jaamacad kusoo bartay waddanka Hindiya (INDIA).
Markii uu dalka dib ugu soo noqday, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shaqaale ka noqday Wasaaradda Tacliinta ee Soomaaliya, isagoo macallin kasoo noqday iskuullo iyo Jaamacado.

Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare (Macalin) ah ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen macalinnimada.
Marka laga soo tago xirfaddiisa macalinimo iyo siyaasadda, sidoo kale waa ganacsade iskiis isu abaabulay.

Bishii August ee sanadkii 2012-kii, Xasan waxa uu xubin ka noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo markaas la dhisay.
10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud u doortay inuu noqdo Madaxweynaha hogaaminaya shanta sano ee Soomaaliya, kaddib markii la qabtay doorasho dadban.

Xasan sheekh maxamuud waxa uu hoggaanka u qabtay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya laga hirgeliyay muddo 20 sano ah, taasoo aan ahayn Ku meel Gaar. Dowladihii ka horreeyay ee la dhisay kaddib 1991-kii waxay ahaayeen ku meel gaar.

Dowladdii Xasan Sheekh maxamuud ayaa caan ku ahayd in ay kasoo dhex muuqdeen shaksiyaad siyaasadda ku cusbaa, waxaana loo yaqaannay "Damu Jadiid".

Markii la doortay Madaxweynaha, waxa uu xilka Ra'iisul Wasaraaha u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon, oo ku cusbaa siyaasadda.

sanadkii 2022 bisha May 15keeda ayaa doorasho uu xilka kala wareegayo madaxwayne maxamed c/laahi farmaajo lagu qabtay caasimada soomaaliyaa.



https://amiirhajisanka.blogspot.com/2022/05/faa-idada-wax-akhriska.html



No comments:

Post a Comment

MY POSTS

VIRAL NEWS Lose Angles

The Latest News from Los Angeles: A massive fire has broken out in Los Angeles, USA, forcing the evacuation of over 30,000 people. The fire ...

MY POSTS