Kalmada maanta / The word of today /translated From somali to English / sawiro dhiiri galin ah oo maalin la ah.


"Aargoosiga ugu wayn aad kusamayn kadhaa kuwii kudulmiyay waa cafiska"

"The greatest revenge you can inflict on those who have wronged you is forgiveness"

kusoobiir baraheena bulshada waxaana kahelaysaa maqaalo maalin kastaa (Daily articles).

social links

facebook: https://web.facebook.com/Amiirhajisanka1 Instigram: https://www.instagram.com/amiirhajisanka/ Twitter: https://twitter.com/Amiir_Haji_ Website: http://amiirhajisanka.blogspot.com/

DHAQAN GALINTA ISBADALLADA NOLOSHAADA DHIIRI GALIN

 

DHAQAN GALINTA ISBADALLADA NOLOSHAADA

ISBADAL/QORAA: Amiir haji sanka



Banii aadamku waxa uu ilahay maskax fikirta iyo dabeecado muujinaya fikiradaa ay maskaxdaasi fakadhay.

Dabcan mawduuceenaan waxaan oga hadlaynaa ruux lahaa dabeecadu xun xun amaba qalafsan, had iyo gooriba jecel dabeecadahaasi inuu iskabadalo. Laakiin si kastoo damco inuu badalo oo uu iskaga tago waxa uu arkayaa isagoo dhex taagan dabeecadihiisi qalafsanaa, kadibna uu iska dhaadhiciyo in uu badalmayn dabeecadaani kadibna uu karajo dhigo dadaalkii iyo juhdigii uu kubixinayay sida uu oga takhlusi lahaa dabeecadihii iyo dhaqamadii adkaa.

Waxaan kulawadaagayaa talooyin aad oga tagi kadho mudo yar dhaqamadaas aad laftirkaagu isku dhaliishay , dadka kugu meegaarana {qaraabo, saaxiibo,} kugu dhaliileen.

Kasooqaad waxaad tahay qof aad u cadho badan (Xanaaq badan). Marwalibana ah qof aan lafahmi karin lala kaftami karin xanaaqiisuna aan xad lahayn, misna aan xakamayn karin ficilada iyo hadalada uu odhanayo marka uu xanaaqo, kaga bogo qormadaan talooyin aan isleeyahay waxaad kuxalin kadhaa caqabadaan kula soogudboonaatay.

1.     Iska ilaali wax yaabaha aad ogtahay nafsadaada inay dhibsanayso amaba kaxanaaqayso,.

2.     Xakamee dareenadaada noockastay ahaadaan. Gaajada,xanaaqa,jaceylka,nacaybka xataa xakamee farxadaada iyo murugtaada. Intaasba waxay leeyihiin qaabab loo xakameeyo waxaana kaga hadli doona mowduuca xiga, ee fadlan nagu soobiir oo rukumo WEBSITEKEENA: w.w.w.amiirhajisanka.blogspot.com

3.     Isbar bulshada oo noqo qof bulshaawi ah oo furfuran, ileen dabeecada ah kahadlayno  qofka leh lagumayaqaan inuu yahay qof bulshaawi ah. Iskana dhawar kalinimada.

 


Qodobadaan aan soo sheegnay waa qaar kamid ah sidaad iskaga dawayn lahad dabeecadahan

Hadaba see u dhaqan galin karnaa ama go aan oga qaadanaa amaba aan qodobadaa ugu dhaqanaa maadaama ay adagtahay inaan dabeecad waqti badan aan lahayn inaan iskabadalno.

Raac qodobadaan oo commentga nagulawadaag fikirkaagaa amaba fariin noogusoodir Emailkaan Happyamiir129@gmail.com


1.    1- Ha ku adkeen naftaada inaad maanta go’aan kuqaadato kadibna isla maanta.

Dabeecadaha iyo dhaqanka maaha kuwo kubadalma dheel dheel  balse waxa uu kubadalmaan go’aan qaadsho adoon ku adkeen naftaada oona caburin balse aad oga tanaasusho aayar aayar.

2.    2- Joogtayn:- waa inaad joogtaysaa ficilada cusub ama dabeecadaha cusub aad lasoobaxday ama aad go’aansatay inaad samayso maahan kaliyato inaad maalin waliba samayso ee waa inaad waqti kastaba wax kasamaysaa dabeecadahaan.

3.   3-  Iska mashquulin:- waa inaadan isa siiraacin dabeecadaadii hore amaba aadan isku bar dhigdhigin dabeecadan aad hadda go’aansatay ama dhaqamadaad jeclaysatay inaad lahaato.

4.     4-  Isdhiira galin:- naftaada waa inaad dhiiri galisaa adoon qof kale dhiiri galin kasugin. Markii aad katagtay caadooyinka xun xun iyo dabeecadaha xun xun, markaad qaadato go’aanada wan wanaagsanaa waa inaad misna aad bilowdid inaad kudhaqantid waa inaad dhiiri galisaa naftaada oo aad ugu faraxdaa sidoo kalena waa inaad kufaanta naftaada siisana kalsooni badan.

5.     5-  Aragti dheeri:- Waa inaad maskaxdaada noqotaa mid aragti dheer oo meel fog kafakadha, taasina waxay ku imaanaysaa waa inaad xog waraysataa oday dhaqameedyada, si dagana udhagaysataa dardaaranka iyo waanada dadka kaa da’da wayn, sidoo akle waa inaad qof markuu wax kuusheegayo aad udhag raaricsaa kadib aad fakarkaa dhiiban kadhid.

6.       6-Aqris farabadan:- Aqris farabadan samee iyo daraasaad farabadan adoo kamshquulaya dabeecadihii xumaa aqrisana buugaagta waaya ragga waayo aragyadaa ee nolosha kasoo maray marxalado farabadan iyo caqabado.

7.      7-Isdaryeelid:- Daryeel naftaad jidhkaaga iyo qalbigaaga kana ilaali in muddo ah qalbigaaga hadalada kudhiba ee soo kicinaya dhaqamadii adkaa aad katagtay, kuguna qasbaya inaad soo noqotaa oo aad noqotaa qof go’aankaaga burburinaya.

1.    8-  Kafagow dadka ixtiraam la,aantaa :- iyaguna waxay isku dayayaan inay xumaantii dib usoo kiciyaan iyagoo kugu jees jeesaya kana hadlaya isbuuc kahor saad ahayd.

2.    9-  Kafiirsasho:-waa inaad toban jeer kafiirsataa hadalada afkaaga kasoobaxaya aadna iska ilaalisa hadalada danbigaa iyo hadalada dhibaataynaya dadka kale oo kugu meegaarsan amaba bulshada.

3.      10-Horay usocosho:- waa inaad barataa horay usoco aadan marnaba gadaal soofiirin, caqabad kasta ugu dulqaado sidaad horay oga socon lahayd.


Kalmada maanta / The word of today /translated From somali to English / sawiro dhiiri galin ah oo maalin la ah.


 "Waligaa adoo faraxsan ballan haqaadin adoo caraysana (xanaaqsan) Go'aan haqaadan"

""Never make a promise in Happiness and never Make a decision in anger."


kusoobiir baraheena bulshada waxaana kahelaysaa maqaalo maalin kastaa (Daily articles).

social links

facebook: https://web.facebook.com/Amiirhajisanka1 Instigram: https://www.instagram.com/amiirhajisanka/ Twitter: https://twitter.com/Amiir_Haji_ Website: http://amiirhajisanka.blogspot.com/

TAARIIKHDA MADAX WAYNIHII SOOMALIYA XASAN SHEEKH MAXAMUUD

TAARIIKH KOOBAN OO AAN KADIYAARINAY MADAXWAYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD.

                

                                            
                                         Madaxwaynaha soomaliya 2022-2026                                                                      

Madaxwaynihii ugu horeeyay ee soomaliya markale loo doortay Madaxwaynihii 2012-2017 soomaliya u ahaa, Maantana waxa uu xilka madaxwayninimo  ula wareegay sifo sharciyaysan.                                          
                            

                             

Sanadkii 1955-kii ayuu Xasan Sheekh maxamuud ku dhashay degmada Jalalaqsi gobolka Hiiraan, ee dalka Soomaaliya, haddana waa 66 ilaa 67 jir.
Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada uu kasoo jeedo, Dugsiga sare iyo jaamacaddana ku dhigtay magaalada Muqdisho, oo uu u wareegay.

Sanadkii 1981-kii ayuu ka qalan jebiyay kulliyadda tiknoolojiyadda (TECHNOLOGY)  ee Jaamacadda. Kaddib waxa uu heerka sare ee Jaamacad kusoo bartay waddanka Hindiya (INDIA).
Markii uu dalka dib ugu soo noqday, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shaqaale ka noqday Wasaaradda Tacliinta ee Soomaaliya, isagoo macallin kasoo noqday iskuullo iyo Jaamacado.

Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare (Macalin) ah ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen macalinnimada.
Marka laga soo tago xirfaddiisa macalinimo iyo siyaasadda, sidoo kale waa ganacsade iskiis isu abaabulay.

Bishii August ee sanadkii 2012-kii, Xasan waxa uu xubin ka noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo markaas la dhisay.
10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud u doortay inuu noqdo Madaxweynaha hogaaminaya shanta sano ee Soomaaliya, kaddib markii la qabtay doorasho dadban.

Xasan sheekh maxamuud waxa uu hoggaanka u qabtay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya laga hirgeliyay muddo 20 sano ah, taasoo aan ahayn Ku meel Gaar. Dowladihii ka horreeyay ee la dhisay kaddib 1991-kii waxay ahaayeen ku meel gaar.

Dowladdii Xasan Sheekh maxamuud ayaa caan ku ahayd in ay kasoo dhex muuqdeen shaksiyaad siyaasadda ku cusbaa, waxaana loo yaqaannay "Damu Jadiid".

Markii la doortay Madaxweynaha, waxa uu xilka Ra'iisul Wasaraaha u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon, oo ku cusbaa siyaasadda.

sanadkii 2022 bisha May 15keeda ayaa doorasho uu xilka kala wareegayo madaxwayne maxamed c/laahi farmaajo lagu qabtay caasimada soomaaliyaa.



https://amiirhajisanka.blogspot.com/2022/05/faa-idada-wax-akhriska.html



FAA IDADA WAX AKHRISKA

                                  Faa idad wax akhrinta  

Wax akhrint waxay leedahay faa'idooyiin aad ufarabadan. wax akhrisku waxa uu dhisaa garaadka iyo maskaxda banii adamka,

                                                                                                                                                        

faa'idada wax aqrinta


wax akhrisku waa almiitada maskaxda, suu jirku ugu baahanyahay almiito ama shaqo ayay wax akhrintu ugu tahay.sdioo kale wax akhrisku waxa uu yareeya  stresska walwalka iyo walbahaarka       ka abuurma kalinimada ama cidlada oo waxaa uu noqdaa wehel dhamaystiran.

Wax aqrintu waxay kobcinaysaa garaadka iyo aragtida banii aadamka, tusaale ahaan qofka aqristaa bugaagta taariikhiga waxa uu ogaanayaa waxyaabihii lasoo maray qarniyo kahor amaba nolol lagu noolaan jiray boqolaal sano horteeda, kadibna qofkaasi waxa uu noqonayaa amaba lagu tilmaami karaa qof xog ogaal ah misna isagoon joogin boqolaal sano kahor  ayuu misna oga sheekaynayaa mid ay isku xili joogaan, waxayna isku dhaafeen wax aqriska.

wax akhrinta badani waxay dhistaa xasuusaha qofka, waxaa lagayaaba inaad tahay ruux akhriya bugaag kala duwan oo badan waxaad joogtaynaysaa inaad xasuusato buug kaste akhriskiisa halka uu kuu marayay amaba mowduuca akhrinaysay ayay maskaxdaadu sifiican uqabanaysaa.

sidoo kale hadaa noqoto akhrista wanaagsan waxaad noqonaysaa qoraa wanaagsan, sidoo kale aqrinta waxay kabaysaa luuqada kolba wax ku aqrinayso, waxaadna kafaa'idaysaa ereyo cusub aadan horay u aqoonin.

waan ogahay bulshadeena soomaalida inay kuyartahay meelo maktabada ah oo wax lagu aqristo waxna lagu baaro, waxaana nahay bulsho aana jecleen aqrinta faraha badan xataa ma aqrino qoraalada dhaadheer oo lasoo dhigo facebookga amaba websiteka.

waxaynu nahay bulsho wahsi badan qofkeeni cilmiga jecelna oo buugagta lakalyaystaana ay dhahaayaan wuu khafiifay amaba cilmaani ayuu noqon rabaa, iyagoo dhibsanaya xataa qofkale inuu noqdo aqriste ama qoraa.


shaqooyinkaad hayso xataa yayna kaa mashquulin aqrinta.


Aqristaha ma cidloodo






                                        Waxaa qoray oo waqti galiyay

                                                  Amiir haji sanka

                                     https://www.facebook.com/Amiirhajisanka1



MY POSTS

VIRAL NEWS Lose Angles

The Latest News from Los Angeles: A massive fire has broken out in Los Angeles, USA, forcing the evacuation of over 30,000 people. The fire ...

MY POSTS