DHAQAN GALINTA ISBADALLADA NOLOSHAADA
 |
| ISBADAL/QORAA: Amiir haji sanka |
Banii
aadamku waxa uu ilahay maskax fikirta iyo dabeecado muujinaya fikiradaa ay
maskaxdaasi fakadhay.
Dabcan
mawduuceenaan waxaan oga hadlaynaa ruux lahaa dabeecadu xun xun amaba qalafsan,
had iyo gooriba jecel dabeecadahaasi inuu iskabadalo. Laakiin
si kastoo damco inuu badalo oo uu iskaga tago waxa uu arkayaa isagoo dhex
taagan dabeecadihiisi qalafsanaa, kadibna uu iska dhaadhiciyo in uu badalmayn
dabeecadaani kadibna uu karajo dhigo dadaalkii iyo juhdigii uu kubixinayay sida
uu oga takhlusi lahaa dabeecadihii iyo dhaqamadii adkaa.
Waxaan
kulawadaagayaa talooyin aad oga tagi kadho mudo yar dhaqamadaas aad laftirkaagu
isku dhaliishay , dadka kugu meegaarana {qaraabo, saaxiibo,} kugu dhaliileen.
Kasooqaad
waxaad tahay qof aad u cadho badan (Xanaaq badan). Marwalibana ah qof aan
lafahmi karin lala kaftami karin xanaaqiisuna aan xad lahayn, misna aan
xakamayn karin ficilada iyo hadalada uu odhanayo marka uu xanaaqo, kaga bogo qormadaan
talooyin aan isleeyahay waxaad kuxalin kadhaa caqabadaan kula soogudboonaatay.
1. Iska ilaali wax yaabaha aad ogtahay
nafsadaada inay dhibsanayso amaba kaxanaaqayso,.
2. Xakamee dareenadaada noockastay ahaadaan.
Gaajada,xanaaqa,jaceylka,nacaybka xataa xakamee farxadaada iyo murugtaada. Intaasba
waxay leeyihiin qaabab loo xakameeyo waxaana kaga hadli doona mowduuca xiga, ee
fadlan nagu soobiir oo rukumo WEBSITEKEENA: w.w.w.amiirhajisanka.blogspot.com
3. Isbar bulshada oo noqo qof bulshaawi ah oo
furfuran, ileen dabeecada ah kahadlayno
qofka leh lagumayaqaan inuu yahay qof bulshaawi ah. Iskana dhawar
kalinimada.
Qodobadaan aan soo sheegnay waa qaar kamid ah sidaad
iskaga dawayn lahad dabeecadahan
Hadaba see u dhaqan galin karnaa ama go aan oga
qaadanaa amaba aan qodobadaa ugu dhaqanaa maadaama ay adagtahay inaan dabeecad
waqti badan aan lahayn inaan iskabadalno.
Raac qodobadaan oo commentga nagulawadaag fikirkaagaa
amaba fariin noogusoodir Emailkaan Happyamiir129@gmail.com
1. 1- Ha ku adkeen naftaada inaad maanta go’aan
kuqaadato kadibna isla maanta.
Dabeecadaha iyo dhaqanka maaha kuwo kubadalma dheel dheel balse waxa uu kubadalmaan go’aan qaadsho
adoon ku adkeen naftaada oona caburin balse aad oga tanaasusho aayar aayar.
2. 2- Joogtayn:- waa inaad joogtaysaa ficilada
cusub ama dabeecadaha cusub aad lasoobaxday ama aad go’aansatay inaad samayso
maahan kaliyato inaad maalin waliba samayso ee waa inaad waqti kastaba wax
kasamaysaa dabeecadahaan.
3. 3- Iska mashquulin:- waa inaadan isa siiraacin
dabeecadaadii hore amaba aadan isku bar dhigdhigin dabeecadan aad hadda go’aansatay
ama dhaqamadaad jeclaysatay inaad lahaato.
4. 4- Isdhiira galin:- naftaada waa inaad dhiiri
galisaa adoon qof kale dhiiri galin kasugin. Markii aad katagtay caadooyinka
xun xun iyo dabeecadaha xun xun, markaad qaadato go’aanada wan wanaagsanaa waa
inaad misna aad bilowdid inaad kudhaqantid waa inaad dhiiri galisaa naftaada oo
aad ugu faraxdaa sidoo kalena waa inaad kufaanta naftaada siisana kalsooni
badan.
5. 5- Aragti dheeri:- Waa inaad maskaxdaada
noqotaa mid aragti dheer oo meel fog kafakadha, taasina waxay ku imaanaysaa waa
inaad xog waraysataa oday dhaqameedyada, si dagana udhagaysataa dardaaranka iyo
waanada dadka kaa da’da wayn, sidoo akle waa inaad qof markuu wax kuusheegayo
aad udhag raaricsaa kadib aad fakarkaa dhiiban kadhid.
6. 6-Aqris farabadan:- Aqris farabadan samee iyo
daraasaad farabadan adoo kamshquulaya dabeecadihii xumaa aqrisana buugaagta
waaya ragga waayo aragyadaa ee nolosha kasoo maray marxalado farabadan iyo
caqabado.
7. 7-Isdaryeelid:- Daryeel naftaad jidhkaaga iyo
qalbigaaga kana ilaali in muddo ah qalbigaaga hadalada kudhiba ee soo kicinaya
dhaqamadii adkaa aad katagtay, kuguna qasbaya inaad soo noqotaa oo aad noqotaa
qof go’aankaaga burburinaya.
1. 8- Kafagow dadka ixtiraam la,aantaa :- iyaguna
waxay isku dayayaan inay xumaantii dib usoo kiciyaan iyagoo kugu jees jeesaya
kana hadlaya isbuuc kahor saad ahayd.
2. 9- Kafiirsasho:-waa inaad toban jeer
kafiirsataa hadalada afkaaga kasoobaxaya aadna iska ilaalisa hadalada danbigaa
iyo hadalada dhibaataynaya dadka kale oo kugu meegaarsan amaba bulshada.
3. 10-Horay usocosho:- waa inaad barataa horay
usoco aadan marnaba gadaal soofiirin, caqabad kasta ugu dulqaado sidaad horay
oga socon lahayd.